“Waxaan Go,Aansaday Inaan Bulshaddayda U Adeego, Una Tartamo Xubin Ka Mid Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa”.Musharax Siciid Jaamac, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Go,Aansaday Inaan Bulshaddayda U Adeego, Una Tartamo Xubin Ka Mid Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa”.Musharax Siciid Jaamac,
February 8, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Musharax Siciid Jaamac Cali oo kamid ah Dhalinyarada casimada hargaysa kuwooga ugu cad cad ayaa shaaciyay in uu utartamayo golaha deegaanka caasimada hargaysa si uu bulshadiisa ugu adeego isagoo ka sharaxan Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye.

Musharax siciid jaamac ayaa qoraal  uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada oo uu kaga hadlayo waxyaabaha ku kalifay in uu isa soo sharaxo ayaa wuxu udhignaa Sidan;

“Waxaan Go,aansaday Inaan Bulshaddayda U Adeego, Una Tartamo Xubin Ka Mid Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Hargeysa”

 Walaalayaal, waxaan dareensanahay, si wanaagsana u fahamsanahay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran qofkasta oo xambaara xil umadeed. Sidaas oo kale, waxaan xogogaal u ahay nolosha iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee bulshadda ku nool caasimadda Hargeysa.

Waxaan muddo badan ka soo shaqeeyay hay’addaha dawladda iyo ururadda bulshadda rayidka ah. Waxaan leehay waayo aragnimo dheer oo dhinacyo badan ah. Sidaas darteed, waxaan goaansaday inaan bulshaddayda u adeego, una tartamo xubin ka mid golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa doorashadda qorshaynsan bisha May 2021-ka.

Arrimaha ugu muhiimsan ee aan xooga saari doono waxaa ka mid ah kobcinta iyo tayeynta arrimaha bulshadda ay dawladda hoose u xilsaaran tahay, iyo horumararinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka.

Bulshadda Hargeysa ku nooli waxay u baahan tahay inay hesho hogaan iyo metelaad dhab ah, waana sababta aan u goaansaday inaan bulshadeyda ugu shaqeeyo.

Haddii aad ii doorataan xilkaas, waxaan bulshadayda ugu adeegi doonaa daacadnimo, hufnaan iyo karti aniga oo kaashaqanaya qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo xubnaha kale ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

Waxaa inoo balan ah midnimo, isku duubni iyo dedaal dheer.

Mahadsanidiin.

Musharax Siciid Jaamac Cali

 

COMMENTS
LINKS