|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheekh Rusheeye Oo Sheegay In Booliska Somaliland Soo Samato-bixiyeen Carruur Uu Dhalay Oo Hargeysa Lagu Afduubay
February 13, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Sheekh Rusheeye oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee Dadka ku daweeya Qur’aanka isla-markaana deggan Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in la afduubay 5 Carruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo da’doodu u dhaxayso 3 illaa 10 jir. Sheekh Rusheeye oo Dadweynaha kala hadlay Bogga uu ku leeyahay facebook, ayaa sheegay inay jiraan Dad isaga dagaal kula jira isla-markaana dhowr jeer u soo jeediyey inuu faraha ka qaado waxyaabaha uu gacanta ku hayo ee ah inuu Dadka Qur’aanka ku daweeyo, arrintaasina gaadhay in Gurigiisa la rasaaseeyo, haddana Carruurtiisa la afduubo. Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan deganahay Magaalada Hargeysa, Ilmo yaryar oo 10 jir ugu weyn yahay ayaa Subaxdii Salaasada waxay ka yimaaddeen meel Shaadibiya la yidhaahdo oo ay dhigtaan, waa Shan Carruur ah oo 3 jir ugu yar yahay, waxaana ugu weyn 10 jir, markii ay ka soo baxeen (halkii ay dhiganayeen) ayaa la waayey.” Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Wax dhacday in Carruurtii la waayay, anigu markaa Garoowe ayaan joogay, Xaaskayga koowaad baa ii soo sheegtay in Carruurta la waayay, ka dibna Ilaahay baan baryey, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa sidii Sharafta lahayd ee ay Magaalada Hargeysa oo dhami ugu istaagtay Raadinta awlaaddayda, waxaan si gaar ah Ninka Madaxweynaha ka ah Xukuumaddaa khayrka badan Muuse Biixi Cabdi ee Gacanta noo soo geliyey Carruurtii la afduubay, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Booliska Somaliland oo si khaas ah iskaga xil-saaray raadinta Carruurta.” Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Magaalada Hargeysa waa Magaalo nabad ah, wixii ka dhacaana waa wax Qader Ilaahay ah, laakiin Carruurta waxa afduubay waa Xasad, cid kale oo aan wax ka saarayaa ma jirto, waa dad awoodi waayay inay wax iga qaadaan.”
Related posts:Deegaamada Barriga Somaliland Oo Faraha Xukuumada Ka Siibtay, Loolanka Doorashada Puntland Oo Xadka ... Maayarka Laascaanood Oo Hay,addo Caalami ah Iyo Safaarada Mareykanku Ku Bogaadisay Doorka Ay Ka Qaat... Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland “SPP” Garyaqaan Timo Oo Bulshada Reer Gabiley Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|