“Sababta Sacad Muuse Iyo Arab Ii Raaci Waayeen Waa Iyagoo Kala Garan Waayay Aniga Iyo Ina Mirihii Dagaalka Waday” Gudoomiye Faysal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sababta Sacad Muuse Iyo Arab Ii Raaci Waayeen Waa Iyagoo Kala Garan Waayay Aniga Iyo Ina Mirihii Dagaalka Waday” Gudoomiye Faysal.
February 11, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay beelaha reer Somaliland markii uu Xisbiga sameeyey ay ka meegaan cahdigiisa oo ahaa markii laga soo noqday dagaalkii Sokeeye ee dalka,isla markaana ay u baadheen faylkii Garxajis-yada, waxaanu sheegay inuu isagu xilligaa uu ahaa mid Nabad ka shaqanayey balse beelaha Sacad Muuse, Arab iyo Isaxaaq ay diideen in ay soo raacaan xisbigiisa iyaga oo sida uu Hadalka Faysal u dhigay ka dhex arkay sheeko Garxajis oo ah dagaalkii Sokeeye oo uu sheegya in la isku qalday isaga iyo Axmed Mire.

Guddoomiye  Faysal Cali Wareebe oo ka hadlayey Munaasabad uu Xisbiga UCID kusoo dhaweynayey laba Mujaahid oo iska sharraxay Xisbiga UCID ayaa waxa uu yidhi: “Markii aan ururka sameeyey 2001-dii reer Hargeysa ayaad tahay oo cid kaa cod badanaysaa ma jirto ayaan is lahaa, lakiin nasiib darro waxa axsaabta la sameeyey markii laga yimi dagaalkii foosha xumaa ee sokeeye ee weliba annigu aan guddida nabadda ka ahaa, markaa aniga iyo waxa la i kala garan waayey raggii dagaalka ku jiray oo waxaan galay fayl la yidhaah Garxajisiya. Anniga iyo Ina Mire ayaa na la kale garan waayey. Ina Mirihii Dagaalka waday kiis-kiisii ayaa la igu qaaday, markii aan ururka sameeyey ayaan idhi  meesha Arab Sheekh Isaxaaq kuma jiro oo ururkaygii ma iman, Sacad Muuse iima iman, Isaxaaq iima iman ,wax-baa khaldan ayaan idhi markaas waxa khaldanaa dagaalkii Sokeeye ayaa khaldanaa. Aniga ninkaykii nabadda wadday iyo waxay na kala garan waayeen ina Mire.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland xumeeyey ninkii Ganacsatada Somaliland ugu gacanta weynaa waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya: “Beeshan waad ogtihiin Xisbiga markii aan aasaasay ururka Cumar Maygaag Samatar  “AHUN”ayaa ku jiray oo ahaa raggii ila aasaasay, waxa kale oo kamid ahaa ragga gacanta isiisay ee intaa aan Xisbiga joogay iyo marka ay doorashooyinku jiraan, waanu iska shaxaad tagnaa oo ganacsatada ayaanu hoos ula faqnaa. Wax ayaa nala siin jirayoo Maxamed Aw Siciid ayaa igu gacan weynaa oo beeshan ka dhashay”.  Guddoomiye Faysal ayaa xusay inuu Madaxweyne Biixi uu Xisbiyada kale hadlay arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka iyo sidii ganacsatada dhaqaale looga soo qaadi lahaa, balse Faysal ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu xumeeyey Ganacsatade Maxamed Aw Siciid waxaanu yidhi: “Madaxweyne Muuse ayaa yidhi maalin dhaweyd ka kaca lacag la’aantii doorashooyinka, markaas ayaan idhi ninkii lacagta lahaa sawdigii xumeeyey ina Aw Siciid. Ganacsatadeena Lacagta ayaa iyaga leh balse ninkaa Ina Aw Siciid isaga ayaa Lacagta leh oo waad ogtihiin sida uu wax u bixiyo kiina Muuse Biixi ayaa xumeeyey”.

Dhanka kalene Guddoomiye Faysal ayaa ka hadlay laba Mujaahid oo loo diiday inay iska sharraxaan Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo Xisbigiisa UCID aqbalay musharraxnimadooda waxaanu yidhi: “Markii la ii yimi ee la yidhi  Beeshii Mushharrax ma leh waan naxay waxaan idhi Dowlad Musharraxiin laga waayey oo reer Hargeysa ah  Makaahiil iyo Cabdle Sacad ,wax ayaa qaldan ayaan ku idhi, waxa intaas ka darran marka la yidhi Baashe Cabdi Yare ayaa loo diiday Xisbigii KULMIYE, taasina yaab ayey ii keentay, haddana waxa ii yimi Mujaahid Maxamed Weere keligii ayuu ii yimi, markaas ayuu yidhi waxa aanu rabnaa Musharraxiin, waar mujaahidiintiiba xaggan ayey noqotay ayaan idhi, Mujaahid Ibraahin Dhagoweyne waa kaasi fadhiya. Tii ugu horaysay ee uu kasoo qayb-galay waa nin Mujaahid-nimo ku abtirsada weeye,.”ayuu yidhi isaga oo soo dheeeyey Musharaxnimada Maxamed weere

COMMENTS
LINKS