|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xaalada Qasan Ee Ka Taagan Magaalada Muqdisho
February 19, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay xalay iyo saakay oo jimco ah. Waxay ugu baaqeen deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ay boorriyeen in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho. Bahda Qaramada midoobay waxay sheegeen in degdeg lagu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta doorasho. Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan kadib markii dowladda federalka ay bandow kusoo rogtay magaalada ayna rasaas ku kala erisay mudaharaad ay hoggaaminayeen mucaaradka.
Related posts:DAAWO; Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore Wasaarada... Booyadaha Biyaha Udhaamiya Magaalada Hargaysa Oo Maalintii Labaad Wada Cabasho Ay Kaga Soo Horjeedaa... Gudomiyaha Urur Siyasadeedka Horseed Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusay Kooxda Kubada Cagta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|