“Musharrax Cabdirasaaq Ibraahim Wuu U Qalmaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland! Cali Qoryooley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Musharrax Cabdirasaaq Ibraahim Wuu U Qalmaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland! Cali Qoryooley.
February 3, 2021 - Written by Editor:

Mudooyinkii Udambeeyay Waxay shacabka reer Somaliland iyo Axsaabta siyaasadeedba ku mashquulsanaayeen,diiwaangelinta Musharrixiinta u tartami doonto golaha sharci dejinta ee Wakiilda Somaliland iyo gole deegaamadii degmooyinka dalka.

Markii aan u kuurgalay waxa iimuuqatay inay inta badan dadweynuhu golaha wakiilada usoo sharraxayaan niman dhalinyaro ah inta badan shahaado sare oo jaamaceed xambaarsan,golahaasna waxa looga baahan yahay,dadka wax Akhriska iyo dadka wax qorista ku fiican,dadka waaya aragga siyaaasdeed ah,dadka sharciga ku takhasusay iyo dadka hanka syaasadeed ee wayn leh kuna hammiyaya inay mustaqbalka hogaaminta dalka ka qayb qaataan.

Musharraxiinta ilaa imika soo muuqatay,marka dhinaca waaya Ragnimada siyaasadeed iyo maamulka dowladeed la eego waxa Ugu waaya aragsan oo ugu tunweyn inta aan ogahay musharraxa golaha wakiilada ee la yidhaahdo Mr Cabdirisaaq Ibraahim  kaasoo muddo wasiir ka ahaa  xukuumaddii madaxweyne Axmed Siilanayo dhisay 28kii juulay 2010kii markii loo dhaariyay kursiga madaxweynanimada.

Sida aan ku war qaatay,Cabdirisaaq waxa ka codsaday inuu utartamo kuraasida wakiilada ee gobolka Sool dadweynaha gobolkaas ku nool, kuwaasoo malaha kusoo xushay waxtar Dhinaca mashaariicda horumarinta ah iyo dhinaca shaqa abuurka ah oo uu kkursiga gudoomyaha golaha wakiilada kusoo kordhiyay gobolkooda.

Cabdirisaaq Ibraahim oo sidaan maqlay hankiisu yahay inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland,marka taariikhda golaha wakiilada Somaliland dib loo raaco,kursigaas hogaaminta golaha wakiilada  waxa soo maray,siyaasiyiin miisaan weyn bulshada ku dhex lahaa oo kasoo jeeday gobolka Sool.

Waxa ugu horeeyay oo kursigaas hantiyay mudane Axmed Cabdi Xaabsade,waxana ku xigay mudane Axmed Aadan Qaybe,labadaas ninba waxay lahaayeen haybad madaxnimo iyo  hogaamin siyaasiyaadeed, waxay ahaanyeen siyaasiyiin ruug caddaaya ah oo dhismihii qaranimada Somaliland kaalin weyn kasoo qaatay.xilligana waxa golaha wakiilada gudoomiye ka ah mudane Baashe Faarax oo reer Sool ah.

Sida aan wakhtigan xogaha ku helayo, waxa kursigaas u sharraxan Cabdirisaaq Ibrahim, kaasoo ka mid ahaa golihii wasiirada ee ugu horeeyay ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Siilanayo Juulay 2019kii,isaga oo noqday wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, xilkaasoo uu  muddo laba sano ku dhowada uu haya.

Cabdirisaaq mudadii uu deganaa gudaha dalka Jamh.Somaliland waxa lagu bartay deganaansho,akhlaaq wanaag,dhexdhexaadnimo siyaasadeed iyo  dhacdhac la,aan.

Sida ka muuqata shacabaka gobolka Sool oo doorashadan inagusoo fool leh, aad isugu diyaariyay, waxay muujinaysaa inay ka dhabaynayaan ballantii ay u qaadeen cabdirisaaq e ahayd inay codkooda siinayaan, iyaga oo sida la sheegay Cabdirisaaq ay shacabka gobokiisu ka codsadeen inuu isu sharraxo xubinimada golaha wakiilada kadibna ay shacab ahaan ku taageeri doonaan inuu noqdo  gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Cabrisaaq waa nin dhinaca maamul waaya arag ku ah,islamarkaana ganacsiga hal abuur ku ah oo wakhtigana ah gudoomiyaha shirkadda Shidaalka ee ugu wayn dalka Jamhuuriyada .somaliland ee HASS Petrolium waa shirkad weyn oo  ka ganacsata shidaalka, ganacsigeedana ku fidisay gobolka bariga Afrika iyo waddamada bariga Carabtaba ,islamarkaana magaalooyinka ugu waa weyn bariga Afrika sida Nayroobi ka dhisay fooqyada ugu dhaadheer.

Mudane Cabdirisaaq waxa uu xilligan hogaamiiyaa shirkad ka mid ah kuwa maalgashada dalka Somaliland iyo dalalka geeska Afrikaba,waxayna HASS kaalimo shidaal oo boqolaal ka badan ka dhistay magaalooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee mudane Cabdirisaaq waxan ku dhiirininayaa inuu ka midha dhaliyo himiladiisa hogaaminta golaha 1aad ee sharcidejinta Somaliland. shacabka reer Soolna waxan ku bogaadinayaa inay kursigaas gudoomiyaha golaha wakiilada usoo xuleen nin dhalinyaro ah oo han weyn iyo haybad siyaasadeedba leh, kaasoo dadweynaha gobolka Sool usoo hoyin sumcad siyaasadeed oo wanaagsan iyo xusuus dhaxalgal ah.

Waxan hubaa inuu C/risaaq noqon doono siyaasi magac weyn ku dhex yeesha dadweynaha reer Somaliland,islamarkaana mustaqbalka isutaagi kara kursiga ugu sarreeya ee madaxweynanimada dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ilaahay ka baryayaa inay shakadda HASS ee uu Cnadirsaaq madaxda ka yahayna ay ka mid noqon doonto shirkadaha Somaliland ee soosaarista batroolka dalkan ka qayb qaata kuna guulaysta mustaqbalka.

Qalinkii; Qoraa Cali Dool Axmed (cali qoryoolay)

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS