|
|||||
WAJAALE NEWS
Midkamid Ah Odayaasha Deegaanka Garabis Oo Ka Hadlay Xadhiga Ay Xukuumadu Kula Kacday Labada Musharax Ee Xisbiga Ucid Iyo Sidii Ay Wax Udhaceen+ Cida Bixisay Amarka Xadhigooda!
February 8, 2021 - Written by Editor:“Xadhiga Musharax Raage Iyo Maxamuud, Xadhigooda Waxaa Amray Madaxwayne Muuse Biixi”Oday Cabdi Cali Oo Ku Sugan Deegaanka Garabis ee laga soo xidhay labada musharax Ee Xisbiga Ucid. HARGAYSA(W,N)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa manta Deegaanka garabis ee gobolka maroodi kasoo xidhay laba musharax ah oo xisbiga ucid katirsan kuwaasi oo munaasibad duco ah ku qabsanayay deegankan. Oday Cabdi Cali Siciid Oo kamid ah Odoyaashii Deegaanka ee ku sugnaa munaasibada ducada ah ee laga soo xidhay labada musharax Raage Oo Usharaxan golaha wakiilada gobolka maroodi jeex iyo Maxamuud oo isna usharaxan golaha deegaanka hargaysa isna beel ah Oo khadka telefoonka aanu ku waraysanay ayaa ka warbixiyay qaabkii uu dhacay xadhigoodu Iyo Tirada dadku dhaawacmay goobta laga soo xidhay musharixiinta xisbiga Ucid. Sidoo kale Oday Cabdi Cali ayaa xadhiga labadan musharax ku eedeeyy in uu ka danbeeyay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi oo musharixiinta la xidhay ay isku beel yihiin. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|