Maxkamada Sare Ee Dalka Itoobiya Oo Laashay Racfaanka Jawhar Maxamed Iyo Siyaasiyiin Kale Ee La Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Sare Ee Dalka Itoobiya Oo Laashay Racfaanka Jawhar Maxamed Iyo Siyaasiyiin Kale Ee La Xidhan.
February 23, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Maxkamadda sare ee dalka Itoobiya oo maanta dhageysatay Racfaan Jawr Maxamed iyo Siyaasiyiinta kale ee la xiran ay soo jeediyeen oo ku saabsanaa adeeg caafimaad oo gaar ah in loo oggolaado ayaa racfaanki diidday.

Maxabiista siyaasadeed ayaa racfaankooda ku dalbaday dhakhaatiir gaar ah iney daweeyaan gooba caafimaad oo gaarka loo leeyahayna lagu daweeyo.

Qareennada u doodaya Jawar Maxamed, Baqale Garba iyo Xamza Adan gal dacwadeedkooda siyaasiyiinta kula jira waxay sheegen iney 25 maalmood ay wadaan cunta joojin ay sameeyeen.

Dr Elili Jamaal oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay caafimaad darradda maxabiistaasi siyaasadeed ka soo gaartay cuntada ay ka soomeen ay caafimaad darro u horseedday una baahan yihiin in xaaladdooda caafimaad si gaar ah loola socdo.

 

COMMENTS
LINKS