|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
February 28, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 28/02/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa, laguna aasay. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku dhaqan, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, wakhti xaadirkana ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|