|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Gudoomiyaha Baanka Dhexe Oo Ay Hooyadii Ku Geeriyootay Magaalada Oodwayne
February 6, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaadsan Muxumed Axmed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/02/2021 magaalo madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi gudoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo marxuumadu hooyadii ahayd. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Golaha Ammaanka QM-Oo kulanka yeelanaya toddobaadka-soo-socda-ammaanka-Somalia-iyo-howlgalka-Midowga... GUDIDA fulinta Xisbiga kulmiye Ee Laanta Bristol Oo Shir Ay Iskugu Yimaadeen Ku Doortay Hogaan Cusu... Madaxweynaha Iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaridka Oo Qasriga Madaxtooyada ku Yeeshay Kulankoodii Ugu Ho... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|