Maayarkii Hore Ee Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale Eng Aadan Shiine Oo Hambalyo Udiray Madaxweynaha Jsl Iyo Xisbiyada Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarkii Hore Ee Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale Eng Aadan Shiine Oo Hambalyo Udiray Madaxweynaha Jsl Iyo Xisbiyada Qaranka.
February 3, 2021 - Written by Editor:

London(W,N)-Maayarkii hore Ee Magaalo Ganacsiyeedka Somaliland Ee Tog-wajaale Mujaahid Eng. Aadan Muuse Cilmi (Adan Shiine) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Xisbiyada Qaranka, Golaha Wakiilada ,Golaha Guurtida & shacabka Somaliland, guusha ay ka gaadheen Diiwaan gelinta cod bixiyaasha iyo go’aanka ay isku waafaq een wakhtiga Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha degaanku,ay ka qabsoomi doonaan geyigeena Somaliland.Ex-Mayor,Mujaahid,Eng. Adan Shiine, wuxuu Allah awooda leh uga mahad celiyey,Nabadda uu Somaliland ku arsaaqay,oo ah buu yidhi ,ta aynu maanta halka aynu joogno inoo suurta galisay.

Ex-Mayor,Mujaahid,Eng. Adan Shiine,” Waa maalin taariikhiya,waa maalin ay aad ugu diirsadeen inta jecel wanaaga iyo  jiritanka Somaliland, ee naftoodii iyo maalkoodiiba u soo huray Gobanimada aynu maanta ku naaloonayno.Waa maalin ku suntan geedi socodka Dimuqraadiyada ee Jamhuuriyada Somaliland ka hana qaaday,waxaanay ka nixisay,dhinbiil dab ahna ku no qotay,Cadawga gudaha iyo ka dibada,ee neceb jiritaanka,Qaranimada & horumarka Somaliland.

Waxaan aad ugu diirsaday khudbadii taariikhiga ahayd,ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Mujaahid Muse Biixi Cabdi,uu ka jeediyey xuska 27-aad ee aasaska Ciidanka Qaranka Somaliland,ee fariimaha is barkan xanbaarsanayd,ee  uu ku  hoga tusaaleeyey inaynu nahay Qaran isku tashad ay,dhalasho iyo dhiigba wadaaga,cidnabana aan gacmaha u hoorsanayn,aan ahayn Allaha kownkan abuuray,ee isaga ay wax walba gacantiisa ku jiraan.

Anigoo fursadan ka faa,iidaysanaya ,waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland,oo u dabaal degay xuskii 27-aad ee aasaas koodii,muujiyeyna inay yihiin Ciidan aan Cadawgu marnaba soo haybsan karin,ahna kuwa habeen & maalin heeganka ugu jiran inay sugaan, oo ilaaliyaan Nabada, Karaamada & Qaranimada Somaliland….Guuleysta walaalayaal meel aad joogtaanba.”

Ugu danbewyntii ,Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale Mujaahid Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine) waxaa uu u duceeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,waxaanu Allah awood leh uga baryey,inuu xilka uu Rabbi u dooray,ku asturo,u fududeeyo,ku garab galo,kuna guuleeyo Aqoonsiga Somaliland,dalka iyo shacabkana uga tago dhaxal lagu xasuusto,oo aan abid ka duugoobin.

COMMENTS
LINKS