|
|||||
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Layeeshay Madaxda Xisbiyada,Xeer Ilaalinta Iyo Xafiiska Imtixaanaadka!
February 16, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda. Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL. Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la’aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm. Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.
Related posts:Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiis Ay Wada Galeen Jaamacada Burco, Daawo:Waftigii Balaadhnaa Ee Ka Soo Baqoolay Dalka Jabuuti Oo Maanta Soo Kormeeray Taliska Guud Ee ... DAAWO;-Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Wadada Isku Xidha Allaybaday Iyo Arabs... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|