|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay laba Murrashax Oo Ukala Sharaxan Wakiilada Iyo Deegaanka Gobolka Maroodi Jeex.
February 8, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)- Xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay maanta laba murrashax oo miisaan leh oo u kala tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa. Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, ayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku qaabileen murrashax Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo u tartami doona doorashada Golaha Wakiillada iyo murrashax Siciid Jaamac Cali oo isaguna u ordi doona doorashada Golaha Deegaanka iyo taageerayaal wehelinayey oo isugu jiray madaxdhaqameed, odayaal, aqoonyahan iyo dhallinyaro. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo xubno kale oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey labada murrashax oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo miisaan weyn leh marka laga qeemeeyo aqoontooda, kartidooda iyo dadnimadoodaba. Dhinaca kale, labada murrashax – Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa iyaguna ballanqaaday haddii ay ku guulaystaan doorashada inay bulshada ugu adeegi doonaan daacadnimo iyo sida sharcigu dhigayo. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Madaxweyne Silaanyo Oo tobabar U xidhay Cutubyo Ka Tirsan Ciidammada Xeebaha Somaliland, kormeerna K... Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Digey In Wada Hadalada Khaatumo Lagu Koobo Xisbi Kaliya,Kuna Taliyay ... "Daawo:Xil.Qabile Xisbiga Ka Mid Maaha,Markuu Jamaal Musharaxa Noqday Ayuu Xisbiga Jambiga Ka Soo Fu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|