DP World Oo Shaacisay Kharashka Ku Baxaya Mashaariic Ay Ka Fulineyso Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DP World Oo Shaacisay Kharashka Ku Baxaya Mashaariic Ay Ka Fulineyso Somaliland
February 16, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)–Madaxa Golaha maamulka DPWorld ahna Madaxa fulinta Suldaan Axmed bin Saliim oo u warramay Wakaalada Wararka Imaratka ee WAM ayaa waxa uu sheegay in DPWorld ay mashaariic isugu jirta horumarin iyo ballaarin ka fulin doonto sanadkan qaarada Afrika ,isaga oo sigaar ah u soo qaatay Dekada Berbera ee Somaliland iyo dekado kale oo ku kala yaal Senegal, Masar, Mali ,Kongo iyo Namibia.

Waxa uu sheegay in 442 Milyan oo doollar ay ku bixi doonaan mashaariicda horumarineed iyo ballaadhinta ee ay ka fulin doonaan dekada Berbera ee Somaliland

Suldaan Axmed bin Saliim ayaa sheegay in dekadda laga dhisayo degaanka Nadayaan ee ku yaal dalka Senegal taas oo 50 KM ka fog magaalada Dakar ay mashaariicdeeda ku bixi doonaan 837 Milyan oo dollar wajiga kowaad.

Madaxa Golaha maamulka DPWorld ayaa tilmaamay in dekeda Al sakhna ee dalka Masar taas oo ku taal badda cas ay ka fulin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ku bixi doonto adduun gaaraya 520 Milyab oo dollar

Mr Suldaan warbixintan kuma soo qaadin dekedda Magaalada Boosaaso oo horay heshiis DPWorld kula gashay maamulka Puntland in ay muddo 30 sano ah ay maamuli doonaan ayna ka fulin doonaan mashaariic ballaarin iyo horumarineed.

COMMENTS
LINKS