Dibadbaxyo Ka Dhacay Caasimadda Tigrey Ee Mekelle Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay + Kuwa Ku Dhaawacmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyo Ka Dhacay Caasimadda Tigrey Ee Mekelle Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay + Kuwa Ku Dhaawacmay
February 10, 2021 - Written by Editor:

Mekelle(W,N)-Wararka ka imanaya gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in hal qof halkaasi lagu dilay.

Qofkan ayaa ka mid ahaa dad dibadbax dhigayay oo isugu soo Baxay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle.

Booliska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha oo ka soo Horjeeday dowladda islamarkana waxaa ay rasaasta haleeshay hal qof oo ku dhintay.

Dibadbaxa ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiyayaasha gobolka Tigrey ay booqdeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigrey.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ganacsiyo badan ay wali xidhan yihiin.

Itoobiya ayaa qorsheyneysaa inay xidho laba xero oo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray kuwaas oo dadkii ku noola ay ku go’doomeen dagaalka ka socday halkaas, sida ay sheegtay laanta dowladda u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Madaxa dowladda Itoobiya u qaabilsan arrimaha qaxootiga Tesfaye Gobezay oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababta loo xirayo xeryaha qaxootiga ay tahay in xaalad adag oo dhanka nolosha ay ka jirto xudduuda Itoobiya iyo Eritrea iyo in xeryaha ay ku yaallaan meel u dhaw xudduudda.

Ku dhawaad 100,000 qaxooti Eritrean ah ayaa ku noolaa ilaa xero oo ku yaalla Tigray ka hor inta aanu dagaalka ka qarxin halkaas bishiii November.

COMMENTS
LINKS