|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Taiwan Oo Malaayiin Dollar Kaga Qayb-qaadanaysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland.
February 27, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku caawinaysa Dhaqaale ay ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee 2021. Taiwan ayaa qoondaysay inay Adduun lacageed oo dhan 2 Million oo dollar kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland. Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa hubinta in hawlaha doorashadu si habsami leh u socdaan iyo in kale, sida uu sheegay Wargeyska Business Week oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay. Sidoo kale, Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee reer Yurub, ayaa dhaqaale iyo Farsamo ahaan uga qayb-qaatay diwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac. Ugu dambayn, Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii hore samaystay xidhiidh diblumaasiyadeed, waxayna Hargeysa iyo Taipea ka fureen Xafiis-Wakiileedyo. Related posts:DAAWO; Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Munaasibad Qado Sharaf ah Ku Maamuusay Qareeno,Abwaano, Siyaasiy... Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Kulamo Kala Duwan La Qaatay Musharaxa Xisbiga Waddani Iyo Wasiirka Ar... Daawo:Xisbiga Kulmiye Oo Istaadhay Kala Qaybinta Beelaha Somaliland Iyo Odayaal Uu Xisbigaasi Ka Dir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|