Dawlada Emaaraadka Oo Fasaxday In Dadkii Uu Xanibay Covid_19 Dib Ugu Noqdaan Iyo Soomaaliya Oo Laga Reebay Dalalka Dadkooda La Ogolaaday + Somaliland Oo Lagu Daray! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Emaaraadka Oo Fasaxday In Dadkii Uu Xanibay Covid_19 Dib Ugu Noqdaan Iyo Soomaaliya Oo Laga Reebay Dalalka Dadkooda La Ogolaaday + Somaliland Oo Lagu Daray!
February 23, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa fasaxday in Dadka Ajaanibka ahi ee deggan ay dib ugu noqdaan Imaaraadka, haddii iyagoo dalka dibeddiisa ku maqan uu ku dhacay Xayiraaddii uu sababay Xanuunka Covid_19.

Dawladda ayaa fududaysay habka dib ugu laabashada ee Imaaraadka, sida ay sheegtay Waaxda Deganaanshaha Ajaanibka ee Imaaraadka Carabta, waxaana Dadka ku noqonaya ay hab Online ah ku gudbin karaan Foomkooda degganaanshaha dalka Imaaraadka Carabta, si loo xaqiijiyo.

Shuruudaha laga rabo qofka Imaaraadka dib ugu laabanaya waxa ka mid ah inaanu qabin Xanuunka Covid_19, sidoo kalena uu 72 Saacadood ka hor tagiddiisa Imaaraadka uu iska baadho Xanuunka, waxa kale oo laga rabaa Qofka Xanuunka iska baadhay Shahaado caddaynaysa inuu shaybaadh maray, laakiin arrintaasi kuma jiraan Dadka u dhashay Imaaraadku.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay shaacisay Magacyada Dalalka ay dadkoodu dib ugu laabanayaan Imaaraadka, waxaana Dalalkaasi ku jira Somaliland, balse waxa Imaaraadku uu Waddamada dadkoodu deggan yihiin Imaaraadka isla-markaana dib ugu laabanayaan ka reebay Soomaaliya.

Dalalka Dadkoodu deggan yihiin Imaaraadka waxa ka mid ah Afghanistan, Angola, Argentina, Bangladesh, Brazil, Cambodia, Chile, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Georgia, Ghana, Guinea, Hungary, India, Indonesia, Iran, Iraq, Israel, Ivory Coast, Jordan, Kenya, Lebanon, Malta, Montenegro, Morocco, Myanmar, Nepal, Nigeria, Pakistan, Philippines, Romania, Rwanda, Russia, Senegal, Slovakia, Somaliland, South Africa, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Tanzania, Tunisia, Turkmenistan, Uganda, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Zambia, Zimbabwe.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka dadkoodu deggan yihiin isla-markaana ka shaqaystaan Imaaraadka Carabta, balse sababta uu Imaaraadku  uga reebay dalalka dadkoodu ku noqonayaan ayaa u muuqata mid siyaasadeed, maaddaama oo khilaaf culus ka dhexeeyo Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Dawladda  Imaaraadka Carabta, ayaa Toddobaadkan sheegtay inay Dawlad ku meel-gaadh ah u aqoonsatay Maamulka Farmaajo, maaddaama oo muddo-xileedkiisu dhamaaday, arrintaasi oo kor u si qaadday khilaafkii siyaasadeed jiray.

COMMENTS
LINKS