|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadwaynaha Xaafada Ibraahim Koodbuur Oo ka Mudo Haraaday Saacado Wakaalada Biyuhu Doonayso In Ay Qasab Ku Qaataan.
February 18, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)Dadwaynaha xaafada ibraahim koodbuur ee magaalada hargasya ayaa iskugu soo baxay banana bax ay kaga soo horjeedaan saacado qaaliya oo wakaalada biyaha hargaysi doonayso in ay ku badalaan kuwii hore ee dadku isticmaalayeen. Dadwaynaya ayaa sheegay in aanay marnaba aqbalay saacado qasab loogu keeno iyagoo marka horeba aanay helin biyo ku filan, Saacadahan ayay sheegeen masuuliyiinta wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysi in ay tahay mid cusub, islamarkaana ka duwan tii hore ugu xidhnayd dadka guryahaha, ahna mid cusub, qiimaheeduna dhan yahay 50$. Dadweynahani ayaa u cawday Madaxweynaha Somaliland, kana codsaday inuu arrintani wax ka qabto , Maareeyaha wakaaladda biyaha magaalada Hargaysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa ilaa hadda aan ka hadal cabashada bulshadu ka qabto baddelista saacadaha cusub, ee muranku ka taagan yahay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|