DAAWO;-Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Labadii Musharax Ee Utanaasulay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Labadii Musharax Ee Utanaasulay!
February 27, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan/musharax Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini) Oo kamid ah Golaha wakiilada Islamarkaana ah Musharax utaagan doorashada soo socota Oo ay beeshu usoo xulatay ayaa maanta magaalada hargaysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay laba musharax oo uga tanaasulay Musharaxnimada golaha wakiilada taasi oo qabsoontay huteelka maansoor.

Munaasibad hadhimo sharafeedka ah ee xildhibaan Axmed Ini Usameeyay Cabdikhadar Cilmi Cabdilaahi iyo Axmedyaasiin Muxumed Cade ayaa waxaa kasoo qaybgalay waxgarad,siyaasiyiin iyo badi haldoorka beesha reer dalal iyo masuuliyiin ka socday xisbiga kulmiye,

Waxaana hadhimo sharafeedka lagu bogaadiyay labada musharax ee dhalinyarada ah ee  utanaasushay musharax Axmed Ini isagoo eegaya midnimada beesha  islamarkaana Aqbalay soo jeedintii waxgaradka iyo aqoonyahanka reer ee ahaa in la xaajiyo midnimada beesha iyo taageerida musharaxa laysku raacay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS