DAAWO;-Hooyada Dhashay Musharaxa Xidhan Ee Raage Axmed Oo Fariin Culus Udiray Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Hooyada Dhashay Musharaxa Xidhan Ee Raage Axmed Oo Fariin Culus Udiray Madaxwayne Biixi.
February 14, 2021 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Hooyada dhashay raage axmed yuusuf oo ah Musharax xisbiga ucid uga sharaxan golaha wakiilada gobolka Maroodi oo mudo 7cisho uxidhan xukuumada somaliland ayaa Fariin culus udiray madaxwayne biixi oo ay ku eedaysay in uu Isagu xidhay ismarkaana uu ka horyimid dimuqraadiyada Somaliland qaadatay

Sidoo kale hooyada dhashay musharax raage ayaa madaxwayne biixi usheegay in inankeedu lamid yahay  ninkiisa aabihiina uu abaal badan ku lahaa muuse biixi.

Dhanka kale hooyada dhashay raage ayaa ka dayrisay xaalada caafimaad ee inankeeda ku xidhan jeelka madheera isagoo dawlada ingiriiska ee uu dhalashadeedu iyo haayadaha xuquuqal iisaanka ku wargalisay in aanay wax war ah ka haynin xaalada uu ku sugan yahay inankeedu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS