|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Gudoomiye Faysal Oo Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Ubalan Qaaday In Uu Kala Hadli Doono Ganacsadaha Ay Ka Cabanayaan!
February 7, 2021 - Written by Editor:Wajaale(W,N)-Toddobaadyo ka hor, waxa Gaadiidleyda Wajaale ka soo daabula Khudaarta laga keeno dhinaca dalka Itoobiya ay cabasho xoog leh ka muujiyeen in Muwaadiniin reer Somaliland ahi ka shaqaynayaan sidii Gaadiidka Itoobiya Oo ay wadaan dad ajaanib ahi ugu samayn lahaayeen Taarikada Somaliland, si ay iyagu khudaarta toos ugu geeyaan Gobollada Somaliland. Hadaba Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay tagay Magaalada Wajaale, ayaa kulan la yeeshay Gaadiidlayda Magaalada Wajaale ka soo qaada Khudaarta Itoobiya laga keeno ee hore cabashada Warbaahinta u mariyey. Faysal, ayaa Gaadiidleyda kala sheekaystay cabashadii ay qabeen, waxaanu u ballan-qaaday inuu arrintaa kala hadlayo Muwaadinka laga cabanayey oo ah Mulkiillaha Shirkadda Sagal Jet cabdi Yuusuf Aar, si uu xal ugu raadiyo cabashadooda. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo Madaxwayne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Ku Dhiirado Saami ... Madaxwayne Donald Trum Ku Dhawaaqay kala Duwanaanshaha Somaliland Iyo koonfurta Soomaaliya Oo Uu Sh... DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Oo Iscasilay Daboolkana Ka Qaaday Fadeexadaha Dul Hoganaya Madax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|