DAAWO;-Barnaamijka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Waddo 1km Ka Hirgalisay Magaalada Allaybaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Barnaamijka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Waddo 1km Ka Hirgalisay Magaalada Allaybaday.
February 23, 2021 - Written by Editor:

“Marlabaad Ku Dooranayeey Ma Maantana Maxamed Amiin”Weedhihii Ay Shacabka Reer Allaybaday Ku Qaabileen Maayarka Magaalada Gabiley.

ALLAYBADAY(W,N)-Maamulka Dawlada Hoose ee degmada Gabiley Ayaa magaalada allaybaday ka dhax dhigay wado 1km Oo laami ah taasi oo noqonaysa markii ugu horaysay ee Magaalada Allaybaday Ay Yeelato wado laami ah oo casriya/

Munaasibada dhagax dhiga wadadan ayaa waxaa ka qaybgalay badhasaabka gobolka gabiley ,maayarka magaalada gabiley iyo xubno katirsan dawlada hoose ee gabiley.

Sidoo kale waxaa munaasibad goob joog ka ahaa madax-dhaqameedka deegaanka Allaybaday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer allaybaday kuwaasi oo sidiiran usoo dhaweeyay waxqabadka ay dawlada hoose ee gabiley kahirgalisay deegaanka degmada allaybaday iyo dhismaha wadadan.

Dhanka kale Odoyaasha Iyo Waxgaradka deegaanka Allaybaday ayaa taageero balaadhan umuujiyay musharaxnimada markale ee maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiim Cumar Cabdi oo ay sheegeen in waxqabadkiisa ay mahadiyeen deegaanku.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BARNAAMIKAN OO DHAMAYSTIRAN;

COMMENTS
LINKS