|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Laba Musharax Oo Deegaanka Garabis Munaasibad Duco Ah Ku Qabsanayay!
February 8, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga utaxaabay labada musharax ee Kala ah Raage oo usharaxan golaha wakiilada gobolka maroodi jeex iyo Maxamuud oo usharaxan golaha deegaanka hargaysa kana sharaxan xisbiga ucid kuwaasi oo laga soo xidhay deegaanka garabis Ee gobolka maroodi jeex oo ay ku qabsanayeen munaasibad duco ah islamarkaana ah deegaanka ay kasoo jeedaan, Sida ay oo sheegeen dadka deegaanka oo goobta musharixiinta laga soo xidhay ku sugnaa Ciidamo boolis ah oo xukuumada saaka gaysay deegaanka garabis ayaa laba musharax gacanta kusoo dhigay xili ay ku gudo jireen munaasibad xoolo ay ku qaleen ismarkaana ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Xadhiga labadan musharax oo kasoo jeeda beesha madaxwayne biixi ayaan loo marin dariiq sharciya kuwaasi oo hada ku xidhan magaalada hargaysa. Wixii kasoo kordha cida amartay xadhiga usharixiintan kala soco wararkeena danbe Related posts:Koomiishanka La Dagaalanka Musuq-maasuqa oo Gaadhay Gabiley, Xili Xaalad Cakirani Ka Taagan Tahay Go... Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Bilowday Olole Lagu Buufinayo Dugsiyada Iyo Abwaan Sooraan Ka... Shacabka Oo Isha Ku Haya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo La Filayo Dhammaadka Bishan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|