Ciidamada Booliska Somaliland, Oo Xabsiga Utaxaabay Afar Qof Oo La Sheegay In Ay diinta Kiristaanka Faafinayeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland, Oo Xabsiga Utaxaabay Afar Qof Oo La Sheegay In Ay diinta Kiristaanka Faafinayeen.
February 16, 2021 - Written by Editor:

Dadka la xidhay ayaa waxay kala yihiin Lamaane is-qaba iyo Ilmo yar oo dhawaan u dhashay iyo laba Haween ah.

HARGAYSA(W,N)-21-kii bishii hore, ayaa Ciidammada Boolisku waxay Magaalada Hargeysa ku xidheen lamaane Magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iyo Xamdi oo uu la socday Ilmo yar oo ay dhaleen iyo Aster oo u dhalatay dalka Itoobiya, Maalmo ka dib oo Ciidammadu baadhitaan ku sameeyeen Gurigii ay Qoyskaasi deganaayeena waxay ka soo xidheen Haweenay kale, taasi oo tirada Dadka Kiristaanka ah ee la xidhay ka dhigaysa 4 iyo Ilmaha yar.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 10-kii February Dacwad-oogayaasha la siiyey wakhti dheeraad ah, si ay Xabsiga ugu sii hayaan Dadkan loo xidhay inay faafinayeen Diinta Kirisaanka, si ay wakhti ugu helaan baadhitaanka ay wadaan.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa hore u qab-qabatay Dad faafinayeen Diinta Kiristaanka, kuwaasi oo markii dambe qaarkood Dalka laga Mastaafuriyey.

XIGASHO; Wargeyska Geeska  afrika

COMMENTS
LINKS