|
|||||
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka Oo Markale War Kasoo Saartay Khilaafka ka Taagan Doorashooyinka Somaliya Iyo Shirka Magaalada Dhuusomareeb Ka Socda.
February 4, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N) -Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee ka socda magaalada Dhuusomareeb. Beesha caalamka waxay ku boorrinaysaa dhammaan ka qaybgalayaashu in ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran, iyadoo la dhowrayo qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember. Beesha caalamka waxay si cad u sheegtay in doorashooyin aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saareen saaxiibada caalamka ee somaliya. Related posts:Nuxurka War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirweynihii Dhalinyarada Somaliland Oo Lasoo Gabogabeeyay. Dawlada Maraykanka Oo Shaacisay Dhoolatus Milatari Oo Berbera Ku Wada Samaynayaan Wadamada La Saaxii... Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Tafasiil Ka Bixiyay Arday Tirobadan Oo Imtixaan U Gal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|