|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Waddan Afrikaan Ah Ka Dalbatay Inay La Isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka!
January 21, 2021 - Written by Editor:Furaha Internet-ka ee Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa hadda Gacanta ku haysa Dawladda Muqdisho, taasi ayaa Somaliland Ku khasbaysa inay Mid kale raadsato Hargeysa (W,N)-Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland. Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone. Ma jiro War Rasmiya oo Dawladdu ku shaacisay arrintan, basle Warbaahinta Somalilandchronicle.com oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa Shalay baahiyey Warkan, isagoo soo xiganaya Warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu Dr. Cabdweli Suufi Jibriil Somaliland uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone, kaasi oo Magaciisu yahay Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL. Xigasho; Wargaysa Geeska Africa oo kasoo xigtay Somalilandchronicle.com Related posts:Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dad U Xidh Xidhay Qarax Bambo Gacmeed Ka Dhacay Magaalada Laascanoo... Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Amartay In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Siyaasi Muniir Iyo Taliyaha S... Haayadaha Xuquuqal Iisaanka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Laba Musharax Oo Jeelka Madheera Ku Xidha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|