Xildhibaan Ka Hadlay Codsiga Xukuumadda Ee Ah In Guurtidu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Wakiillada Iyo Xilliga Doorashada Loo Muddeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Ka Hadlay Codsiga Xukuumadda Ee Ah In Guurtidu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Wakiillada Iyo Xilliga Doorashada Loo Muddeeyay
January 24, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay muddo kordhinta ay u sameeyeen Golaha Wakiilada iyo wakhtiga uu Komishanku cayimay inay ku qabanayaan Doorashooyinka iyo Sharcigu wuxuu ka qabo, waxaanu xusay in sharcigu ogol yahay in mararka qaar la jabiyo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo Wargeyska Geeska Afrika arintan wax ka waydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Anagu waanagii kordhinay, in sharci la jabiyo waa dastuuri, haddii ay ka fursan weydo, maxaa yeelay Dastuurka nin waliba wax buu ku yahay, Madaxweynuhu Dastuurku ayuu Madaxweyne ku yahay, Xisbiyadu Dastuurka ayey Xisbiyo ku yihiin, waa kii Golaha Wasiiradu lahaa Golaha Guurtidu ha nagu raaco ee bisha dambe kowdeeda ayaanu fasixii Golaha ka soo laabanaynaa, kolay anigu ka sii hor dhici maayo, ee waxaynu eegi doonaa wuxuu Golahayaga Guurtidu  go’aamiyo, arintana ka yeelo”

 

COMMENTS
LINKS