|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Saaka Geeriyooday Somaliland
January 20, 2021 - Written by Editor:BURCO(W,N)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka maamul Gobolleedka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos ayaa saaka oo Arbaco ku geeriyooday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland. Warar aanu heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Cabdi Ismaaciil uu maalmihii dambe xanuun hayay, waxaana xalay xaalad Caafimaad darteed looga qaaday Magaalada Garoowe. Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa Wasiirkii hore Beeraha iyo Waraabka Puntland u soo qaaday Magaalada Hargeysa, hayeeshee intii dhex lasii waday ayuu ku geeriyooday Magaalada Burco. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil Boos ayaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Puntland uu ahaa 2014-2015, isla markaana waxaa xusid mudan inuu soo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Bangiga Puntland. Related posts:DAAWO; “Waxaan Leeyahay Wadadu Yaanay Inaga Noqon Sidii Jeelkii Allaybaday Oo Kale”Ugaas Cabdirasaa... Xisbiga Ucid Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Tahli Wayday In ay Ka Jawaabto Hadalkii Kasoo Yeedhay Ma... DAAWO: Heshiis Sadex Geesood Ah Oo Lagu Kala Saxeexday Saamiga Dekeda Berbera Ee Somaliland, Ethiopi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|