War Deg Deg Ah; Xubnihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Kaga Jiray Beesha Abokor Ciise Oo Iscasilay Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Xubnihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Kaga Jiray Beesha Abokor Ciise Oo Iscasilay Iyo Sobobta!
January 31, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdi Cawil Iyo Xildhibaan Iid Saleebaan Oo katirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa Shaaciyay in ay  gabi ahaanba iska casileen  golaha dhexe ee Xisbi xaakimka kulmiye Iyo xubinnimadii xisbiga  kadib markii ay Caqabo kala kulmeen xisbiga kulmiye iyo faro galin ay sheegeen In wasiir cabdilaahi abokor uu ku hayo laba musharax oo ay ka Soo sharaxeen golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee gobolka Saaxil ee beesha Abokor Ciise.

Siyaasi cabdi cawil ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku Leeyahay facebookga ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii golaha Dhexe ee kulmiye iyo xubnimadii xisbiga isagoon wax faah Faahin ah ka bixin.

Sidoo kale Xildhibaan Musharax Iid Saleebaan cali oo katirsan Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo khadka tellka kula soo Xidhiidhay shabakada wararka ee wajaalenews ayaa shaaciyay In uu iskacasilay golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo Xubinnimadiisii isagoo intaa ku daray in ay keentay Iscasilaadiisa faro galin ay hore uga tirsadeen wasiir cabdilaahi Abokor oo madaxwayne biixi waxba ka qaban waayay

Labadan Masuul oo isku beel ah isla markaana ahaa xubnihii golaha dhexe ee  xisbiga kulmiye u matali jiray beesha abokor ciise muuse kayaa  gabi ahaanba iska casilay xisbiga kulmiye

Wixii faah faahin  ee la xidhiidha iscasilaad labadan masuul ee isku beesha  kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS