Wajaale; Magaalo Ka Arradan Adeegyada Dawladda Hoose Qabato Iyo Maamul Marti Uga Ah Shaqaalahooda Xilkii Loo Igmaday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wajaale; Magaalo Ka Arradan Adeegyada Dawladda Hoose Qabato Iyo Maamul Marti Uga Ah Shaqaalahooda Xilkii Loo Igmaday!
January 21, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Muddo sideed bilooda ayaa laga joogaa waqtigii Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmad xilka ka qaaday Maayarkii hore ee Wajaale iyo ku xigeenkiisii, Isla markaana xilkii ku wareejiyeen Maayar iyo ku xigeenkii cusbaa ee xilka loo soo magacaabay,. Iyadoo Maayarka iyo ku xigeenkiisa xilka loo Magacaabay ay masuuliyiin dhalinyara oo aqoonyahanna, Oo bulshada Reer Wajaale ka filaysay in ay ku talaabsan doonaan horumar la taaban karo, balse saadaashii iyo horomarkii masuuliyiintaa cusub laga filayay ay noqotay mid aan la arag . Halka dadka arimaha maamulka Wajaale sida joogtada ula socdaa  ay ku dhaliilaan masuuliyiintan xilka haysa in ay qaadeen dhabadii qaloocnayd ee caqabadda ku ahayd horomarka Dagmada Tog Wajaale .

Waydiintu waxay tahay Maxaa qaldan ?  Halkay wax ka qaldan yihiin ? Haddaba Inagoo u kuur galayna xaalada dhabta ee maamulka degmada tog wajaale  waxaynu bulshada tooshka ugu qaban doonaa caqabadaha ku gadaaman horomar ay ku talaabsato bulshada, Isla markaana masuuliyiinta loo soo magacaabo Degmada Wajaale ay muujiyaan waxqabad dhab ah oo cadayn buuxda u noqda Dakhliga faraha badan ee sida daadka maalin kasta ugu qulqulaya dawladda hoose ee Degmada Wajaale.

Xog ururin iyo xaqiiqo raadiskan ayaynu daaha ka qaadi doonta fashilaadaha maamul ee dulhoganaya masuuliyiinta dhalinyarada ah iyo caqabadaha ku gadaaman horomar ka tisqaada  Dagmada Wajaale . Innagoo u kala qaadayna Arimahan .

1;Masuuliyiinta Degmada Wajaale loo magacaabo oo aan lahayn Waayo aragnnimo dhinaca maamulka ah iyo habka xulashada masuuliyiinta u saaraysa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qaldan lana gees maro .

2;Caqabadaha sharci ee Degmada Wajaale ku gadaaman, iyadoo sababtu tahay in Dagmada Wajaale oo buuxinaysa shuruudaha xeerku sheegay ee Degmo oo aan wali loo dhammaystirin sharciyadii Degmonnimo .

3;Wasaaradda Arimaha Gudaha ah oo gabi ahaanba ka gaabisay Kormeerka iyo la socodka masuuliyiinta la soo magacaabo  sida xeerka Gobollada iyo Dagmooyinka Xeer  Lr 23 dhigayo . 4, Badhasaabka amma Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo dadka siyaasadiisa hoggaamineed dhaliilaa ku eedeeyaan waayo aragnnimo la’aan dhinaca maamulka ah iyo jidka loo maray xulista oo la gees maray .

La Soco qormooyin taxane ah oo shabakadda wararka Ee Wajaalenews.net  daaha kaga qaadi doonto dakhliga faraha badan ee maalinlaha sannadlaha iyo billaha ah ee soo gala Dagmada Wajaale iyo kharashaadka ku baxa mushaharooyinka shaqaalaha,gunooyinka maamulka iyo kharashaadka howl socod siinta .

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

COMMENTS
LINKS