Waa Kuma Wasiirka Deegaan Ahaan Baddalka U Noqday Wasiirad Hinda Jaamac Xirsi? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Wasiirka Deegaan Ahaan Baddalka U Noqday Wasiirad Hinda Jaamac Xirsi?
January 11, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Kadib Markii Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu shalay Xilka si rasmi ah uga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo ka mid ahayd Wasiirrada Xukuumadda Kaga Jira Deegaanka Bariga Burco waxa ay dad badani is waydiinayeen cidda baddalka u noqotay Wasiirad Hinda oo kadib wakhtigeedii Mucaaradnimo in badan soo ahayd muxaafid dhiigga u shuba xisbul-xaakimka KULMIYE iyo gaar ahaan Madaxweynaha.

Mansabka Wasiir ee ay ku matalaysay Deegaanka ay ka soo jeedday dhalasho ahaan Wasiirad Hinda Jaamac Xirsi waxa uu Madaxweynuhu u cugtay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay isku raas yihiin Wasiirad Hinda Jaamac Cirsi oo lagu magacaabo Saleebaan Warsame Guuleed oo muddo dheer ku soo dhex jiray nidaamka dawliga ah ee Somaliland xilal hore oo culusna ka soo qabtay.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ee cusub Mudane Saleebaan Warsame Guuleed oo Madaxweynuhu shalay u magacaabay xilka Wasiirnimo ee Caddaaladda waxa uu wakhtigan ka tirsanaa Guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka halka uu hore u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland intii aanu xilka ku wareejin Siyaasi Axmed Xaaji Cadami.

Sidoo kale Wasiirka cusub ee Caddaaladdu waxa uu muddooyin kala duwan ku soo jiray qaar ka mid ah guddiyada Hay’adaha Dawladda Somaliland isaga oo illaa shalay oo xilkan loo igmaday ka tirsanaa Guddida sare ee Hay’adda Xuquuqal Insaanka qaranka. Waxaanu Mudane Saleebaan Warsame Guuleed xilka kala wareegayaa Wasiirkii Caddaaladda Mudane Mustafe Godane Cali Bile oo loo baddalay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo uu isna kala wareegi doono Wasiirka xilka wasaaraddaasi laga qaaday Marwo Hinda Jaamac Xirsi.

 

COMMENTS
LINKS