|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalo Xanaf Leh Oo Eng Maxamed Xaashi Ku Weeraray Musharaxnimada Maayar Soltelco!
January 30, 2021 - Written by Editor:“Cajiib Oo Miyaanu Odayaashiisaba Ahayn Muu reer Gadiid Hoos Ula faqo Arinku Waa Ardaayo Eh”Cali Guray. HARGAYSA(W.N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo kuwa geeskaba ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal dhawaan kazoo yeedhay Eng Maxamed xaashi cilmi kaasi oo uu ku weeraray maayarka caasimada hargaysa musharaxnimadiisa markale ee golaha deegaanka caasimada. Sidoo kale Siyaasi cali guray ayaa hadal Maxamed xaashi ku tilmaamay in aanu ahayn hadalkii uu warbaahinta umarin lahaa maayar cabdiraxmaan maadama uu kamid yahay beesha Maayarka Soltelco dib usoo sharaxday islamarkaana Uu yahay Hadal gaf ku ah bulshada mudnayna in loosoo bandhigo. Siyaasi Cali Guray Ayaa qoraal kooban oo uu kaga dareen celiyay hadalkii kazoo yeedhay Eng maxamed xaashi waxa uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Cajiib Oo Miyaanu Odayaashiisaba Ahayn Muu reer Gadiid hoos Ula faqo arinku waa ardaayo eh. Saw tii la odhan jiray Maalintiina waa oday oday habeenkiina waa habarhabar. Waa Ayo cidda Aan Reerkiisa ahayn ee soo dooranaysa Ee odaygu Uga Digayo Wiilka Uu Adeerka u Yahay?Ayuu yidhi Muj Cali Guray Related posts:Xogo Kashifay Balan Qaadyo ay Wadani Iyo Kulmiye U Sameeyeen Garabka Jamaal Cali Xuseen Hadii Ay Ku... Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Waramay Mudadii Uu Karantinimaysnaa Iyo Sida Wasiir Xukuumada Katirs... Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Hortagay Golaha Wakiilada Iyo Nuxurka Warbix... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|