Shamis Qarda Jeex Oo Karbaashtay Faarax Macalin, Sh. Cabdiraxmaan Bashiir Iyo Maamulka Farmaajo Oo Isku Bahaystay Dhaleecaynta Madaxwaynaha Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shamis Qarda Jeex Oo Karbaashtay Faarax Macalin, Sh. Cabdiraxmaan Bashiir Iyo Maamulka Farmaajo Oo Isku Bahaystay Dhaleecaynta Madaxwaynaha Jabuuti.
January 29, 2021 - Written by Editor:

Halgamaa Shamis Qarda Jeex Oo Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ugu Baaqday In Uu Aqoonsado Somaliland.

CANADA(W,N)-Halgamaa/fanaanad  Shamis Cali Faarax (Shamis Qarda Jeex) oo kamid ahayd hablihii hormuudka ka ahaa xornimada dalka jabuuti, kuna luuqaysa heesta calanka jabuuti, wakhti xaadirkana degan dalka Canada ayaa jawaab kulul ka bixisay eedo iyo dhaleecay loo jeediyay dalka jabuuti iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele kuwaasi oo kazoo yeedhay  Siyaasi Faarax Macalin,masuuliyiin Xukuumada farmaajo katirsan iyo shakhsiyaad uu kamid yahay sheikh cabdiraxmaan bashiir oo isku bahaystay aflagaadada Madaxwayne Dalka Jabuuti ismaaciil cumar.

Sidoo kale halgamaa Fanaanad Shamis Qadar jeex ayaa ka hadashay sida madaxwaynaha jabuuti hiil iyo hooba ugu huraysa somaliya iyo Abaal la,aanta farmaajo iyo maamulkiisa kuwaasi oo ay kabaha la dulmartay.

Fanaanad shamis qarda jeex  ayaa dhanka kale madaxwaynaha jabuuti ugu baaqay in uu aqoonsado Somaliland oo ay shacabka iyo dawlad uheelan  wanaaga shacabka jabuuti iyo horumarkeeda.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO DHAMAYSTIRAN;

COMMENTS
LINKS