Safiirka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya Oo Uu Weheliyo Madaxa Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Dekeda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya Oo Uu Weheliyo Madaxa Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Dekeda Berbera.
January 20, 2021 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Safiirka Dalka Ingriiska  ufadhiya somaliya iyo madaxa Somaliland uqaabilsay dalka ingiriiska Amb. Ben Fender  Mr Stuart Brown maalihii udanbeeyay ku sugnaa caasimada soomaliland ayaa booqsho ku tagay dekeda magaalada berbera.

Waftigan ka socda dalka Ingiriiska ayaa waxaa magaalada berbera kusoo dhaweeyay Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, safiir Mr.Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayo, Mr Stuart Brown oo ah Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Jamuuriyadda Somaliland.

Maareeyaha ayaa Warbixin ka siiyey Safiir horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera iyo sidoo kale Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey Maareeye Siciid Xasan  Cabdilahi bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.

“Waxa aannu ku soo dhaweynnay goobta ay ka socoto dhismaha balaadhinta Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Safiirka Dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayo, Mr Stuart Brown oo ah Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Jamuuriyadda Somaliland oo nagu soo booqday gudaha Dekedda Berbera”.

 

COMMENTS
LINKS