WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Waa Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Aan Muddo Sannad Ah Waxba Qaban!W/Q;-Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine.
January 24, 2021 - Written by Editor:
Xukuumada Kasta marka la doorto inta ay ku dhex jirto muddo Xileedkeeda waxay samaysaa waxqabadyo hadhow lagu Xasuusto oo la yidhaahdo xukuumadii waqtigaas ayaa ka
Tagatay ama xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne hebel ayaa waxqabdkaa samaysay taas oo faa’iido uyeelan karta bulshada.
Xukuumad kasta marka ugu horeyse ee la doorto waxay ka wadda simanyihiin inay soo kordhiyaan waxqabad kaas oo lagu qiimeeyo 100ka cisho ee ugu horeeya mar hadii dawlada cusubi ay wax muuqda qabto maalmahaa ugu horeeya waqtigeeda taasi waxay yididiilo galisaa bulshadii soo dooratay oo ay ku abuurta rajjo ka dhigan in dawladani ka wanaagsantahay dawladii horre ee ay badaleen.
Xukuumadaha dumuqraadiga ah inta ugu badan ee la doortaa waa Shan sanno iyo wixii ka yar, sanadkastaa markuu dhamaada waxaa waajib ah in xukuumadu soo bandhigto wixii ay qabtay oo ubadan kabaayasha dhaqaalaha tusaale ahaan wixii ay ka qabatay Caafimaadka, Biyaha, Waddooyinka, Waxbarshada Waxsoosaarka Beeraha , Warshadaha, Amniga , iyo wax kastoo samaynaya nolosha bulshada dalkaasi.
Madxweyne Muuse Biixi Cabdi markii loo dhariyay Xilka ugu sareeya dalka oo ay tariikhdu ahayd 13 Dec 2017 isla markaana uu la wareegay awooda ugu saraysee dalka waxaa gaabis galay waxqabdkii ay dawladu ka fulin jiratay kabaayasha dhaqaalaha oo ah meesha ay bulshada reer Somaliland u bukaan isla markaana dhaqaalaha ugu badana kaga baxo sida Caafimaadka ,Waxbaeshada iyo Biyaha.
waxaqabdkii ugu horeeyay ee xukuumada Muuse Biixi waxaa la soo bandhigay 13 April 2018 oo udhignayd 120 cisho ka bacdi markii xilka loo dhaariyay, waqabdkaasi waxa uu ahaa mid bulshadu ay la yaabtay qodobkii ugu horeeyayna wuxuu ahaa golaha wasiirada oo kulan aqoon is waydaarsi ah uu madaxweynuhu u furay kulankaas iyo midho dhalkiisiina waxaa laga waraystay Wasiirkii Arrimah Dibada ee waqtigaas Sacad Cali Shire iyadoo afhayeenkii xukuumadu oo ahaa Wasiirkii Wafaafinta uu joogo waxaqabdkaasi waxa kaloo ku jiray saddex safar oo madaxweynuhu ku tagay waddamo Heshiis dhinaca ka rarni uu kala dhexeeyay Somaliland sida Jabuuti, Ethopia iyo Emaradka Carabta, heshiis dhinac ka raran markaad maqasho waxaa markaba kugu soo dhacaysa inuu yhay mid dhinaca qudaati faa’iido ku qabo.
Safarki ugu layaabka badnaa wuxuu aha markii Madxweyne Muuse uu tagay Emaratka carabta isla markaana waysi uu bixiyay wasiirkii arrimaha dibada ee waqtigaasi uu ku sheegay in Baasaboorka Somaliland lagu tagyo dalka Emaratka carabta arrinkaasina uu been cad noqday oo ila maanta oo ay xukuumadu afar jirstay aanu suurto galin ficilkaa ay xukuumadu 120 cisho ee ugu horeeyay ay sheegatay.
Sideed bilood ka bacadi waxaa dhaamaday sannadkii kobaad ee muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bulshada oo dhami way la socotay waxqabd la,aamta xukuumadiisa iyadoo taasi jirta ayaa 14Dec 2019 waxaa la soosaaray fiidiyow ka kooban 53minit taas oo iska kashadeen Warbaahinta madaxtooyada iyo wasaarada wafaafinta iyadoo laga dhigayo waxqabdkii xukuumada ee sannadkii kobaad, filmkaa markaad dawaato waxaad arkaysa inaanu micno buuran lahayn waayo waxa ugu horeeya ee madxweynuhu qabatay markaad ka timaado waxqabdkii 120 cisho ee ugu horeeyay waa safarkii loo bixiyey mideeye ee madaxweynuhu ku tagaya gobolada bari ee dalka taasi oo laga dhigayo waxqabd weyn oo aad moodo in intii loo doortayba ay ahayd inuu Madxweyne Muuse uu mar un tago Sool iyo Sanaag bari isla markaan uu xuduudka Somaliland ku dhawaada ama uu soo arko bal hadda markaad eegto safarkaa la buun buuninayo waxaa ka weynaa oo ka qaalisanaa isla markaana aan la soo badhigin Madaxweynihii isaga xilka uga horeeyay ee Axmed Siilaanyo safar uu ku tagay Gobolka Sool Xaruntiisa Laascanood isla markaana uu uhoyday Gobolkaasi iyadoon Madaxweyne u hoyan magaladaasi muddo 56sanno ah ka dib dilkii Alle haw naxariiste Madaxweynihii Somaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke loogu gaystay deegaankaasi.
Sanadkii labaad ee muudo xileedka madaxwene Muuse Biixi waxa uu dhamaaday 13 Dec 2019 isla markaan waxaa la soo badhigay waxqabdkii sannadkaa oo isna u eekaa mid aad moodo in loo soo diyaariyay ama daawanayaan dad u badan caruur iyo wax magarto sababtoo ah waxqabdkana waxaa ugu horeeyay safari uu ku tagay saddexdii dal ee uu awalba tagi jiray ,iyo dal cusub oo layidhaa Gini konokori, waxoogay wufuudo ah oo dalaka yimid isla markaana Madaxweynha la kulmay .
13 Dec 2020 waxaa ku eekayd sannadkii saddexaad ee Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, afartana habeen oo uu Kaga jiro sannadkii afraad ee muddo xileedkiisa ayaa waxay Xukuumadiisa ku guuldaraystay inay soosaarto waxqabdkii sannadkii ina dhaafay ee 2020.
Hadaba aynu usoo daadagno dulucda qoraalkeenana aynu kga hadlayno waxaqabd la’aanta xukuumada Muuse ee sannadkii galbaday ee 2020 hadaba suaasha taagana ayaa ah madaxweynuhu ma wuxuu aqoonsaday inaanu waxba qabana sannadkii ina dhaafay mise waa ka awood darro in xukumadiisu soo bandhigto waxqabdkii ay umada uqabteen.
WABILAAHI TAWFIIQ
W/Q; Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine .
Related
COMMENTS
|
|