|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Hakiyay Dhaqaalihii Ay Ku Taageeri Jireen Dalka Itoobiya.
January 16, 2021 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Midowga Yurub ayaa waxa ay hakiyeen in ka badan 100 milyan oo doollar oo gargaar ahaan loo siin lahaa Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo gargaaro. Wadamada Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in walaac xooggan ay ka qabaan wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya. Millatariga Itoobiya ayaa waxay duullaan ku qaadeen bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gobolkaasi. Dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|