Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo 81 Dacwadood Ka soo Garnaqday Muddo 15 Cisho Ah, Oo Ay u Guurtay Gobolada Bariga Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo 81 Dacwadood Ka soo Garnaqday Muddo 15 Cisho Ah, Oo Ay u Guurtay Gobolada Bariga Dalka.
January 2, 2021 - Written by Editor:

Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kow iyo Sideetan (81) dacwadood ka soo garnaqday Muddo 15 cisho ah, oo ay u Guurtay gobolada bariga Dalka!

HARGAYSA(W,N)-Wafti uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele oo ka koobnaa 9 garsoore iyo 6 kaaliye oo uu wehelinayo hal-xeer-iaaliye guud, oo ka socday xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka, ayaa safar shaqo oo qaatay 15 cisho ku tagay gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Ujeedada u weyn ee safarka ayaa ahayd sidii maxkamadda sare ee dalku ugu fudaydin lahayd, muwaadiniinta ay ka fogtahay deegaannadooda xarunta maxkamadda sare, isla markaana adeeg garsoor oo hufan ay ugu heli lahaayeen deegaannada ay ku noolyihiin, si ay uga baaqsadaan safar dheer oo ay u soo galaan magaalada Hargaysa, oo ay tahay xarunta maxkamadda sare. Waftiga garsoorayaasha ayaa 15-kii bishii 12-aad ee 2020-ka, ka bilaabay safarkooda magaalada Berbera iyo deegaannada kale ee gobolka Saaxil,

Waxaanay uga sii gudbeen gobolka Togdheer halka ay socdaalkooda shaqo ku soo af-meereen gobolka sanaag 30-kii bisha. Mudadii waftiga ka socda maxkamadda sare ay safarka shaqo ku gudo jireen waxay ka soo garnaqeen 81 dacwadood oo iskugu jiray 59 dacwadood oo madani ah iyo 22 dacwadood oo ciqaab ah.

Bil walba qayb ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa u baxa gobolada kala duwan ee dalka, waxaanay qayb ka tahay dedaalada ay maxkamadda sare ugu jirto fidinta adeega garsoorka, hase ahaatee safarkan u danbeeyay ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee sannadka 2020-ka ay tiro intaa le’egi hal mar xarunta maxkamadda sare ka guurto.

Wa bilaahi tawfiiq

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

 

COMMENTS
LINKS