|
|||||
WAJAALE NEWS
Masaajid Ay Dhiseen Asxaabtii Nabiga Ee U Soo Haajirtay Dalka Ethiopia Oo Lagu Burburiyay Dagaaladii Gobolka Tigrayga
January 6, 2021 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Ethiopia ayaa ballanqaaday inay dayactirayso masaajid qadiimo ah kaasoo waxyeelo ka soo gaadhay dagaaladii ka dhacay gobolka Waqooyi ee Tigray. Qeybo ka mid ah Masaajidka al-Nejashi ayaa duqeyn ay ciidamada Ethiopia geysteen ay waxyeelo ka soo gaadhay.Masaajidkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu horreeyay ee laga dhiso qaarada Afrika ayna dhiseen asxaab ka soo haajirtay magaalada Mecca. Waxaa la rumeysan yahay in illaa 15 kamid ah muhaajiriintaa ay ku aasan yihiin nawaaxiga masaajidka ay waxyeeladu soo gaadhay. Masjidkan ayaa ku yaalla magaalada Wukro oo qiyaastii 800km (500 miles) u jirta caasimada from Ethiopia, Addis Ababa. Hay’ad xarunteedu tahay dalka Belgium ayaa badhtamihii bishii hore sheegtay in duqeyn loo geystey masaajidka kadibna ay bililiqeysteen ciidamo Ethiopia iyo Eritrean isugu jira. Waxay hay’adu intaa ku dartay in dad doonayay inay difaacaan masaajidka ay ciidammada weeraray dileen. Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in maleeshiyaadkii jabhada TPLF ay dhufeysyo ka qoteen agagaarka masaajidka,balse ma sheegin faah-faahin intaas dhaafsiisan. Xukuumada Ethiopia ayaa xanibaad culus ku rogtay warbaahinta gobolka Tigray waxaana adkaatay in la ogaado sida dhabta ah ay wax uga dhacayeen mudadii ay dagaaladu ka socdeen gobolka Tigray. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|