Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqaymo Ay Ka fuliyeen Somaliya, Kuna Dileen Hoggaamiyayaal Ururk Al-Shabaab Ah, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqaymo Ay Ka fuliyeen Somaliya, Kuna Dileen Hoggaamiyayaal Ururk Al-Shabaab Ah,
January 8, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in duqeyn 7 bishan oo ku beegneyd maalintii shalay ka fuliyeen saaxa-weyn oo ka tirsan gobolka Baay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay in qiimeyn hor dhac ah oo ay sameeyeen ku ogaadeen in duqeyntan ay ku dhinteen Shan xubnood oo ka tirsan saraakiisha Ururka Al-shabaab.

”Qiimeynta sidoo kale waxaa ogaanay in aysan jirin cid shacab ah oo duqeyntan wax ku noqotay ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaytaliska Mareykanka ee AFRICOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yidhi ”“Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la yaqaan ayaa weerarkan lala beegsaday kuwaasoo fududeeyey maalgelinta, hubka qaraxyada. Midkood wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,” ayuu yiri Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM oo intaas ku daray iney sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah.

Mareykanka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba weerarro is daba joog ah oo dhinaca cirka ah ku hayay xarumaha Al-shabaab ee koofurta Soomaaliya waxaana weerarradaa ka mid ahaa mid lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab oo sidoo kalana ay ku dhinteen wariyayaal ka tirsanaa Idaacada.

COMMENTS
LINKS