Maraykanka Oo Ka Digay In Ay Somaliya Ka Dhacaan Doorashooyin Isbarbar Socda Ama Hal Dhinac Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Ka Digay In Ay Somaliya Ka Dhacaan Doorashooyin Isbarbar Socda Ama Hal Dhinac Ah.
January 24, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-War Kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo Walwalka Mareykanku uu ka qabo is mari-waaga ka  taagan Qabashada doorasho leysla ogol yahay.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in marnaba Aan la aqbali doonin in ay dalka ka dhacaan doorashooyin is Barbar socda ama doorasho hal dhinac ah oo kaliya, sidoo kale Waxaa laga digay qalalaase dalka dhaca kaasoo salka ku haya Arrimaha doorashooyinka.

Warka ka soo baxay saafaraadda ayaa imanaya xili wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay cadaadis weyn ku saarayaan Dhinacyada Soomaalida in ay ka heshiiyaan khilaafka ka Taaggan doorashada iyadoo muddo xileedka dowladda hadda Jirta uu sii dhamaanayo.

Dhinacyada Soomaalida ayaa isku khilaafsan guddiyada Doorashada federaalka, Iyo xubnaha  Somaliland talaya soo Cida soo xulaysa iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso Gobolka Gedo.

Qoraalka kazoo baxay safaarada maraykanka ee muqdisho ayaa Udhignaa Sidan;

COMMENTS
LINKS