|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyneku-xigeenka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Tamarta Cadceedda Laydhka Oo Laga Hir-geliyay Magaaladda Berbera.
January 12, 2021 - Written by Editor:Berbera(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee berbera.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dawladda Imaaraadka Carabta ee maal-gelisay mashruucan bulshadana ugu baaqay inay ka faa’idaystaan, ilaashadaana.
Related posts:Daawo:Qaxootigii Ugu Badnaa Ee Somaliya Kana Soo Cararay Dagaalada Yemen ka socda oo Soo Gaadhey D... Golaha Wakiilada Jsl Oo Bogaadiyay Baarlamaanka Dalka Uk Oo Dood Ka Yeelanaya Aqoonsiga Somaliland. Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Shaaciyay Wakhtiga La Nadiifinayo Suuqa Waaheen Iyo Fariinta Uu Udira... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|