|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya Iyo Arimaha ay ka wada Hadleen!
January 19, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa. Kulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh. Waxa kale oo lagu lafo guray kulanka deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika. Waxaanu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa. Iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland. Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|