|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Baxay Marxuum Cali Iid Oo ku Geeriyooday Emaraadka Carabta
January 3, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 03/01/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Iid Cumar Maxamed oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Macalin waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Muran Ka Taagan Cida Buuxinaysa Kursigii Uu ka Geeriyooday Cali Aareeye Iyo Xildhibaan Ka Hadlay Ari... DAAWO;-Waxgaradka Iyo Haweenka Gobolka Gabiley Oo Taageero Umuujiyay Musharax Nimco Maxamed Cawaale ... DAAWO; Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Oo Casuumay Gudoomiyaha Isbahaysiga Mucaaridka Raila Oding... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|