|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xaaji Xaamud Jibriil Faarax Oo Ku Geeriyooday Magaalada Boorama.
January 25, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 25/01/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Xaamud Jibriil Faarax oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2021, magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Madaxwaynaha Dalka Zimbawi Oo Amray In Lasoo Xidh xidho Ciyaartooydii Olonbikada Ee Dalkiisa iyo Sob... Mdaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Kutimid Abwaan Maxamed Ibraahim”Hadraawi” Oo Ma... “Anagu Urur Ahaan Mabda,a Aanu Qabnaa, Waa In Sedexdii Xisbi Ee Hore Loo Daayo In Ay Galaan Doorasha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|