|
|||||
WAJAALE NEWS
JABUUTI Oo Cambaareysay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Gobolka Tojore ee Dalka jabuuti
January 16, 2021 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura. Dowladda waxa ay sheegtay in xasiloonida gobolkaas dib loo soo celiyay isla markaana uu socdo baadhitaan ku aadan dhacdadaas ayna wadaan howlgalo lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidammada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura. Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga. Arrintaa oo sababtay in ciidamaduna ay rasaas ku jawaabaan. Illaa iyo haatan lama sheegin ujeedada weerarkaasi iyo cidda leh mas’uuliyadda. Related posts:DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xaalada Kasoo Cusboonaatay Gobolka Awdal Iyo Arimo Kale Oo Xasaasi... Ruushka Oo Aqoonsaday Madaxbanaanida Jamhuuriyada Cusub Ee Crimea Iyo Ukraine & Dawladaha Reer Gal... DAAWO;-Hooyo Sheegay In Wasiirka Waxbarashadu Gacan Saaray, Soona Bandhigtay Tacadi Ay Wasaarada Kal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|