|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo ka Hadashay Warar Sheegaya In Dhalinayaro Askar Somaliya ka Socotay Ay Ku Dhinteen Dagaalkii Gobolka Tigreey.
January 21, 2021 - Written by Editor:ADIS(W,N)-Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka isa soo taraya ee ku aaddan in dhallinyaro Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Itoobiya ku le’deen dagaalka Gobolka Tigrayga iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Itoobiya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr Dina Mufti ayaa shir jaraa’id ku sheegay in aanay waxba ka jirin in ciidamada Ereteriya iyo Askar Soomaali ahi ka qayb galeen dagaalka dawladda Federaalku kula jirto TPLF. Waxa uu si xooggan u beeniyay in Ciidamada Ereteriya ka qayb galeen dagaalka. “Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas (Ciidamada Ereteriya) oo sheegaya in ciidamo Soomaali ahi dagaalka ka qayb galeen, labadaa sheegasho ba waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yidhi Afhayeenku. Afhayeenka u hadlay Itoobiya waxa uu ku dooday in ay arrintaas faafinayaan dad doonaya in ay hawlgalka ka dhigaan mid khuseeyo gobolka oo dhan. waxa uu intaasi raaciyay in aanay ciidamada Itoobiya u baahnayn gacan dalal kale. Source: Reports On Involvement Of Eritrean, Somalian Solders In Law Enforcement Operation Are False, Unfounded: MoFA
Related posts:Dacwad Ka Dhan Ah Madaxwayne farmaajo Iyo Raysal-wasaare Rooble Oo Loo Gudbiyay Beesha Caalamka, Odayaasha Iyo Waxgaradka Sedex Qof Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Ka Muuji... Urur Ka Shaqeeya Midnimada Itoobiya Oo Sheegay In Masar Ku Dedaalayso Sidii Ay Itoobiya Uga Xanibi L... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|