Hay’adaha Maraykanka Oo Loo Fasaxay Inay Xidhiidh Toos Ah La Samaystaan Taiwan Iyo Shiinaha Oo Ka Cadhooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adaha Maraykanka Oo Loo Fasaxay Inay Xidhiidh Toos Ah La Samaystaan Taiwan Iyo Shiinaha Oo Ka Cadhooday
January 10, 2021 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N)-Dawlada Maraykanka ayaa sanado kadib xayiraado badan ka qaadayaa jasiiradda Taywan, sida uu sheegay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanku.

Dhammaan hay’adaha Maraykanka ayaa loo fasaxayaa in ay xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn la yeelayn karaan hay’adaha dhigooda ah ee Taywan.

Waa tallaabo mar kale ka cadhaysiinaysa dalweynaha Shiinaha oo sheegta jasiiradan, balse aan maamulin.

Washigton waxay go’aankan ku dhawaaqday xili Trump ay maalmo kooban uga hadheen xafiiska, isla markaana aan la ogayn siyaasadaha maamulka xiga ee Joe Biden.

Dawladda Taywan waxay si diiran usoo dhawaysay go’aanka dawladda Maraykanka.

“Sanado go’doon ah ayaa la qaaday, waxay u tahay maalin wayn xidhiidhkeena laba geesoodka ah” ayay tidhi danjiraha Taywan u fadhida Washington.

Dhanka kale Wasaaradda arimaha dibadda dalka Taiwan ayaa soo dhawaysay warka kazoo baxay dalka maraykanka

COMMENTS
LINKS