|
|||||
WAJAALE NEWS
“Hargeysa Heeso Madax Looguma Noqon Karo, Ee Waxaa Madax Loogu Noqon karaa Karti, Hufnaan, Daacadnimo Iyo Hawl Karnimo.Xoghaye Khadar,
January 20, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xoghayaha guud ee xisbiga wadani khaddar xuseen ayaa qoraal uu bogiisa ku baahiyay kaga dareen celiyay hees loo qaaday maayarka hargaysa isagoo sheegay in maayar soltelco lumiyay furadii ay siiyeen shacaba caasimadu islamarkaana uu ku guuldaraystay in uu waxqabad muujiyo. Qoraal uu qoray xoghayaha wadani ayaa Udhignaa Sidan; “Duqa Hargeysow, dadka reer Hargeysa waxa ay ku siiyeen fursad weyn oo aad aakhiradaada iyo aduunkaagaba ku dhisto. Waxaa laguu dhiibay wixii Caasimadda Hargeysa ay wada lahayd oo dhan, waxa aad haysatay fursad aad ugu adeegto, fursad aad mustaqbal ifaya oo siyaasiya ku dhisto, fursad aad dunida ugu soo bandhigto quruxda iyo wanaagga caasimadda Hargeysa & dadkeedu leeyihiin. Waxa aan se ka xumahay in aanad fursaddaas ka faa’iidaysan, waan ka xumahay in Hargeysa waddo xumo, nadaafad xumo, caddaalad darro, maamul xumo & daryeel la’aan ay la ooyayso, Hargeysa heeso madax looguma noqon karo ee waxaa madax loogu noqon karaa karti, hufnaan, daacadnimo iyo hawl karnimo. Hoboladda Nimco Dareen way ku mahadsantahay in ay garawsatay in ay Hargeysa oo basteed ah ay ku soo dhex dhacday iyada oo aan xog hayn. Garowshiiyuhuna waa geesinimo. W/Q; Xoghayaha Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi
Related posts:DAAWO;-Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Balanqaadyo Xukuumada Biixi Fulin Wayday Oo Dhacay Deegaanka X... Daawo:“Waxan Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Uga Mahad Celinayaa Qaadashada Uu La ... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargeysa Musharax Soltelco Oo Kormeer Ku Tagay Deegaano Hoos Yimaada Gobo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|