Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Kulan Layeeshay Wafti Uu Hogaaminayo Wakiilka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Kulan Layeeshay Wafti Uu Hogaaminayo Wakiilka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya.
January 18, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Galabta kulan la qaatay Wakiilka Dalka Ingiriiska u qaabilsan Wadamada Somaliland iyo Somalia Amb: Ben Fender oo uu wehelinayo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mud: Stuwart Brown,

kulankan ayaa lagaga  wada hadalay arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen Arimaha Doorashoonka isa saaran ee Somaliland ku soo fool leh iyo doorka ay dawladaha beesha caalamka ee caawinta dumark iyo beelah laga tirada badan yahay.

Waxaanu  safiirku somaliland ku hambalyeeyey sidii quruxda iyo nabadgelyada badnayd ee ay u qabsoontay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Sidoo kale Waxaa kulankan lagu lafo guray xidhiidhka Somaliland iyo Dalka Ingiriiska iyada oo Xisbiga UCID uga mahadceliyey sida ay mar kasta u garab taaga yihiin.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS