Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Oo Bayaan Ay Kaga Cabanayaan Ganacsato Shaqadoodii Lagu Wareejinayo U kala Diray Wasaaradaha Dawlada, Ee Ay Khusayso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Oo Bayaan Ay Kaga Cabanayaan Ganacsato Shaqadoodii Lagu Wareejinayo U kala Diray Wasaaradaha Dawlada, Ee Ay Khusayso!
January 2, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Iskaashatooyinka gaadiidka iyo muruq Maalka magaalada wajaale ka xoogsada ayaa markii labaad Bayaan cabasho ah ukala diray wasaarada gaadiid,ganacsiga iyo maaliyada kaasi oo ay kaga cabanayaan ganacsade doonaya shaqadii ay ka xoogsan jireen in uu la wareego islamarkaana muuska laga keeno itoobiya oo markii hore xadka laga rogi jiray ismarkaana ay gaadiidka somalilland dalka soo galin jireen boqolaal muruq maali ahi ay ka xamaalan jireen ayaa hada waxaa la wareegtay shirkad uu leeyahay nin ganacsade ah taasi oo dalka toos usoo galinaysa muuska,

Hadaba illaa 250 ah mulkiilayaasha gadiidka muuska Ethopia kasoo qaada wajaale iyo boqolaal muruqmaal oo xamaalista ka shaqaysan jiray ayaa walaac ka muujiyay shirkad ogolaansho loo siiyay dhawaan in muuska Ethopia ay kasoo qaaddo ay toos u keento gudaha suuqyada magaalooyinka Somaliland.

Ogolaanshaha shirkaddas la siiyay ayaa ah mid shaqo beel ka dhigaya boqolaal muwaadin oo gaadiidlayaal iyo xamaaliin iskugu jira.

Baaqa cabashada ah ay soo saareen gaadiidlayda iyo muruq-maalka magaalada wajaale oo Nuqul kamid ah ah soo gaadhay xafiiska warqabadka shabakada wajaalenews ayaa Udhignaa Sidan;

 

COMMENTS
LINKS