|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Taiwan Oo Somaliland Ka Taageeraysa Caafimaadka Casriga Ah
January 9, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xukuumaddaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa wada qorshe lagu midaynaayo Caasimadaha labada dal ee Hargeysa iyo Taipel. Danjiraha Somaliland u jooga dalka Taiwan, Maxamed Haggi oo shalay kulan la qaatay Duqa (Mayor) Magaalo Madaxda Taipei, Dr Ko Wen-je waxa uu maanta Taipei City Hall ayey Labada dhinac ka wada hadleen sidii Dawladaha Hoose ee Hargeysa iyo Taipei ay u wada shaqayn lahaayeen mustaqbalka dhow.kaasi oo kor usii qaadaya xidhiidh Saaxiibtnimo ee ka dhexeeya labada Dawladdood. Dhinaca kale Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taywaan, Amb Maxamed Hagi, Madaxa Cisbitaaalka Taipei Medical University Hospital Dr. Jeng Fong Chiou (Superintendent), Dr. Po-Li Wei (Vice superintendent) iyo Prof. Chia-Kwung Fan ayaa ka wadahadlay sidii Somaliland iyo Taiwan ay uga wada shaqayn lahaayeen dhismaha nidaamka cusub oo caafimaad oo casri ah oo ay yeelan doonto Somaliland mustaqbalka dhow. Kulanka waxa safiirka dhankiisa ku wehelinayey qaarka mid ah Madaxda Safaaradda Somaliland. Mashruucan waxa ka wada shaqayn doona labada dawladdood iyo labada Cisbitaal ee Hargeysa Group Hospital iyo Taipei Medical Hospital Related posts:MUJ Aadan Maal Oo ka mid Ahaa Xubnihii Fuliyey Hawl-galkii Lagu furtay Cabdillaahi Askar Oo Xidhan ... Maayirka Magaalada Gabiley Oo Agab Buugaag ah Kala Wareegay Qoys Qurba Joog Ah Oo Ku Dhaqan Dalka Au... Sheekh Dawlada Maraykanku Kala Noqotay Jinsiyada Oo Faah faahin Ka Bixisay Sobobta Uu U Ogolaaday Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|